Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,  iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa Safarkiisa Gaalkacyo ku wehlinaya Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug, Wasiirio, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana Gaalkacyo kusoo dhaweeyay Wasiiro, Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka iyo dadweynaha badan.

Qoorqoor ayaa hadda uu ku sugan yahay Garoonka kubada Cagta Cabdulaahi Ciise oo kula hadlayo boqolaal shacab ah, isagoo marka hore ka mahadceliyay soo dhaweynta ballaaran ee loo sameeyay.

Sidoo kale inta uu ku sugan yahay halkaas ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Maamulka Gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, isagoo kala hadli doona arrimo kala duwan sida uu qorshahu yahay.

Madaxweyne Qoorqoor oo safar dhinaca dhulka ah uga soo baxay Magaalada Cadaado ayaa horey kusoo maray deegaanka eeganada Kala ah Bandiiradley iyo Sedex higlo, wuxuuna halkaas kula kulmay shacabka.

Ammaanka guud ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa Maanta siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa sugida amniga iska kaashanaya Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media