Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Magaalada Cadaado

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qooqoor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa safarkiisa Cadaado waxaa ku wehlinaya Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug, Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno kale, waxaana kusoo dhaweeyay Maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Inta uu ku sugan yahay Cadaado Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa kulamo kala duwan uu la qaadan doonaa Maamulka Degmada, Saraakiisha Ciidanka iyo Bulshada, isagoo kala hadli doona arrimo kala duwan.

Sidoo kale waxaa uu kormeer ku tegi doonaa sida la sheegay Xarumo ku yaalla Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, waana safarkii ugu horreeyay ee Qoorqoor uu ku tego halkaas tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha Galmudug.

Ammaanka Guud ee Magaalada ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka Galmudug iyo kuwa ka tirsan dowladda Federaalka oo ku sugan halkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media