Madaxweynaha Galmudug oo gaaray degaan Al-Shabaab lagala wareegay

Madaxwaynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “QoorQoor” ayaa goordhow gaaray degaanka Qaycad oo ka mid ah furimaha hore ee ay saakay Ciidamada Galmudug iyo kuwa xoogga dalka ay kala wareegeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Madaxweyne Qoor-qoor oo qayb ka ah hoggaaminta dagaalka ayaa horseed u noqonaya howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana haatan wararku tilmaamayaan in degaanno dhowr ah uu tagi doono, oo maal mihii lasoo dhaafay ay dagaallo ka dhaceen.

Howlgallada lagula dagaalamya Al-shabaab ee ay wadaan Ciidanka Huwanta ah, ayaa sii xoogaystay, waxaana wararku sheegayaan in u jeedka Ciidanka uu yahay in magaalo xeebeedka Xarardheere ee Gobolka Mudug iyo degaannada kale gacanta ku dhigaan Ciidanka Dowladdu.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor