Madaxweynaha Galmudug oo gaaray deegaanka Dhabbad

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa gaaray deegaanka Dhabbad ee ku yaalla Waqooyiga Gobolka Galgaduud, iyadoo halkaas siweyn loogu sameeyay.

Madaxweyen Qoorqoor ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaayay Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno kale, waxaana deegaanka Dhabbad kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir, Maamulka deegaanka iyo dadweyne farabadan.

Inta uu ku sugan Madaxweyne Qoorqoor halkaas ayaa waxaa kulamo kala duwan la qaadan doonaa Maamulka deegaanka Dhabbad iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, isagoo kala hadli doona baahiya ka jira deegaanka.

Sacaadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha deegaanka Dhabbad lagu gubay Sawiradda Madaxweynaha Galmudug, iyadoo Sawirada qaarkood laga fujiyay meelo ay surnaayeen.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug uu deegaanka Dhabbad kaga sii gudbi doono Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, iyadoona halkaas ay socoto diyaar garoow ku aadan soo dhaweyntiisa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media