Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar oo Manta xafiiskiisa kula hadlay saxaafada ayaa bulshada u diray fariin ku saabsan sidii Caabuqa COVID-19ka looga hortagi lahaa.
Madaxwaynaha ayaa bulshada ku guubaabiyay, inay yareeyaan isu imaanshaha iyo goobaha ay bulshadu ku kulanto sida, Makhaayadaha, xarumaha adeega bixiya sida, Bankiyada iyo xarumaha Isgaarsiinta.
Madaxwaynaha ayaa fariin gaara u diray Ciidamada amaanka ee kala gadisan ee DDS, inay ilaaliyaan amaanka xuduudaha madaamo oo dhawaan la xiray , isla mar markaana inay fuliyaan awaarmita la xiriiray Caabuqa COVID-19 ee ay xukuumadu soo saarto.
DDS, ayaa qaaday talaabooyin dhawr ah oo is xigxiga oo laga hortagayo Cubaqan, iyada oo la magacaabay Guddi heer deegaan oo si toos ah ula socda wixii is badalo ah ee yimaada, waxaana xusid mudan in ilaa maanta aan deegaanka laga helin wax bukaan ah oo qaba fayrasaka CORONOGA, marka laga tago 2 ruux oo looga shakiyay, hase ahaate baaris Caafimaad ka dib la xaqiijiyay inay Caafimaad qabaan.