Madaxweynaha dalka Ruushka oo ka hadlay Arrimaha Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Raashiya,  Vladimir Putin waxa uu tilmaamay inuu rajeynayaa in lagu guuleysto dhamaan Hawlgallada ka socda Somalia ee lagula dagaalamayo waxa uu ugu yeeray Argagixisada iyo Xag-Jirka, waa sida uu hadalka  u dhigay.

Putin waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu maanta Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee Somalia u joogi doono dalkaasi,  Ambassador Hassan Abdi Daoud.

Putin waxa uu Danjiraha cusub ee Somalia u sheegay inay Dowladda Federalka ku tallaabsatay Tallaabooyin lagu xoojinayo Madax Banaanida iyo Wadajirka dhuleed ee dalka Somalia,  La-dagaalanka waxa uu ugu yeeray Argagixisada iyo Xag-Jirka, waa sida uu Madaxweyne Putin hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray inay Dowladda Federalka Somalia ku dadaalayso sidii ay u abuuri lahayd Soo-nooleynta Arrimaha Bulshada iyo Dhaqaalaha.

Dhinaca kale, Putin waxa uu Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo Maanta ka guddoomay 20 Danjirayaal cusub, kadib, markii uu qaabilay Hoolka Alexander Hall ee Qasriga The Grand Kremlin Palace ee ku yaalla Caasimada dalka Raashiya ee Mosko.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Raashiya ee Kremlin ayaa lagu xusay inuu Madaxweyne Putin Maanta oo Arbaco ah Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Danjirayaal cusub oo ka kala socday dalalka Somalia, Austria, India, Spain, Italy,  Slovakia, Vietnam, Nigeria, Ghana, Mauritania, Tajikistan, Myanmar, Brazil, Angola, Sri Lanka, Benin, Ecuador, Panama iyo the Republic of El Salvador.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor