Madaxweynaha dalka Nigeria oo ku xanuunsan Isbitaal ku yaalla London.

Madaxweyne Muxamadu Buhaari oo 74-jir ah ayaa ka codsaday Barlamaanka dalkiisa inay u kordhiyaan Xilliga uu Hawlaha Caafimaadka ugu maqan yahay dalka Britain.

In ka badan 2 isbuuc ayuu ku sugan yahay Isbitaalka, wuxuuna qorshuhu ahaa inuu shalay dib ugu soo laabto caasimadda dalkiisa ee Abuja.

Lama sheegin muddada dheeraadka ee uu Madaxweynuhu ka codsaday Barlamaanka, waxaana laga dayrinayaa Xaalladda Caafimaadkiisa, sida ay sheegeen xubno ku dhowdhow Madaxtooyadda dalkaasi.

Afhayeenka Madaxweynaha Nigeria o olagu magacaabo Garba Shehi ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS inaysan xaalladda Madaxweynaha ahayn mid khatar caafimaad-darro leh.

Madaxweyne Buhaari waa socdaalkii labaad ee uu sababo Caafimaad ugu ambabaxo dalka Britain, iyadoo bishii June ee sannadkii hore laga soo daaweeyey infekshin dhinaca Dhegta.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media