Madaxweynaha dalka Masar oo ku booriyey Dowladaha Afrika Iskaashiga La-dagaalanka Musuqa.

Madaxweyne C/fataax Alsisi waxa uu hadalkaasi ka sheegay Furitanaka Shirweynaha 1-aad ee Afrika ee La-dagalaanka Musuqa (The African Anti-Corruption Forum (AACF)  oo shalay ka furmay magaalladda Sharma-sheekh ee dalka Masar.

 Waxa uu Dowladaha Afrika ku booriyey inay iska kaashadaan sidii loola dagaalami lahaa Musuqa iyo inay muhiim tahay inay is-dhaafsadaan Aragtiyaha iyo kobcinta Xiriirka lagu yareynayo Musuqa.

“Masar waxay sii wadi doontaa  taageerida Iskaashiga dadaalka lagula dagaalamyo ee Heerka Afrika” ayuu yiri Mdaaxweyne C/fataax Alsiisii

Waxa kale oo uu sheegay inay Akadeemiyadda La-dagaalanka ee Qaranka Masar diyaar u tahay inay tababar siiyaan Kaadiriinta Hay’addaha Xoojinta Sharciga ee Dowladaha Afrika, si loo kobciyo hannaanka wax looga qaban karo Musuqa.

Madaxweynaha Masar waxa uu tilmaamay inay Masar sannooyin badan dagaalamayeen Musuqa, isla markaana ay cilmi-baaris iyo Ra’yi ururin ku sameeyeen sidii looga hortegi lahaa La-dagaalanka Musuqa.

Madaxweynaha Masar waxa uu Ergooyinka Afrika ku soo dhaweeyey Masar, si ay uga faa’ideystaan Khibradda Masar ee La-dagaalanka Musuqa.

Shirkaasi oo maanta lagu soo gebagebeyn doono magaalladda Sharma-sheekh  waxaa ka qeyb galayo Wafuud ka kala socota dalalka Afrika, iyadoo Shirkadda Diyaaradaha Masar ee Egypt Air sheegtay inay soo daabuleen 2,500 oo qof oo ka mid ah Ergooyinka ku sugan Shirkaasi ka socda Sharma-sheekh.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media