Madaxweynaha Cusub ee Kenya oo jeediyay Khudbaddiisii ugu horreysay

Gudoomiyaha guddiga doorashada dalka Kenya Wafula Chibukati ayaa shaaciyay in doorashadii madaxwaynanimada dalka Kenya uu ku guuleystay William Ruto.

Ruto ayaa helay 50.49% codadkii la dhiibtay, sida uu gudoomiyaha sheegay.

Gudoomiyaha ayaa natiijadan shaaciyay xilli ay kala qeybsan yihiin xubnaha guddiga.

Afar xubnood oo guddiga ka tirsan oo ay hogaaminaysay gudoomiya ku xigeenka ayaa sheegay in aysan qeyb ka ahayn natiijada uu gudoomiyaha ku dhawaaqo.

Raila Odinga oo ah musharaxii sida aadka ah ula tartamayay ayaan goobta looga dhawaaqayay natiijada imaanin.

Madaxwaynaha la doortay ee William Ruto oo khudbad jeediyay ayaa u mahadceliyay guddiga doorashada howsha culus ee ay qabteen.

Waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay shacabka Kenyanka ee doortay.

“Waa maqribnimo cajiib ah waxaa ay awood oo dhan u sugnaatay dadka Kenya, Waxaan u mahadcelinayaa allihii na soo gaadhsiiyay goobta aan maanta joogno” ayuu khudbadiisa ku yiri.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor