Madaxweynaha: ”Argagixisada waan ka adkaaneynaa, mana lahan awood ay shacabka la-haysteyaal uga dhigaan”

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii argagixisonimo ee maanta kooxaha nabad-diidka ku qaadeen hotel Jasiira oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ujeeddada argagixisada ay tahay inay hor istaagaan rabitaanka shacabka oo ah inay nabad iyo barwaaqo gaaraan, taasina aaney marnaba dhici karin.

“Waxaan u tacsiyeynayaa dhammaan dadkii wax ku noqdey falkan argagixisonimo. Waxaana caafimaad degdeg ah u rajeynayaa dadkii ku dhaawacmey weerarkaasi waxashnimada oo aan wax shuqul ah ku lahayn diinteena saliimka ah. Waan hubaa inaan argagixisada ka adkaaneyno, marnababa ma dhacayso inay shacabka ka dhigtaan la-haysteyaal”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hawlgallada milateri ee sida wadajirka ay u fulinayaan ciidammada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay khalkhal weyn ku abuureen argagixisada, taasina ay dhalisey inay iyagoo naf la caarri ah ay beegsadaan shacabka.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ku boorriyay ciidammada amniga inay kordhiyaan feejignaantooda, isla markaana ay soo dedejiyaan hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha nabad diidka.

-DHAMMAAD-

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor