Madaxweyne Ashraf Qaani ayaa la filayaa inuu berrito booqasho ku tago caasimadda dalka Pakistan ee Islamabaad, si uu ula kulmo Ra’isul-wasaare Cimraan Khaan.
Booqashadiisa ayaa ku soo beegmaysa wax ka yar hal isbuuc, markii ay dowladda Pakistan marti-gelisay Kulan ay Hoggaamiyayaasha Mucaaradka Afganistan kaga wada xaajoodeen sidi loo soo af-jari lahaa dagaalka 18-ka sanno ka socda Afganistan.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Pakistan waxay booqashaddaasi ku sheegtay mid diiradda lagu saari doono iskaashiga labada Dowladood ee dhinacyadda Ammaanka, Nabadda, Dib-u-heshiisiinta, Ganacsiga iyo Dhaqaalaha.
Madaxweynaha Afganistan Waana socdaalkiisa ku wehliya wafdi ganacsato ah, waana booqashadii 3- aad ee uu ku tago Pakistan tan iyo sannadkii 2014-kii.