• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, June 24, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Madaxweyihii hore ee Mareykanka oo ka badbaadey isku day dil iyio sida ay wax u gaareen

Dalsan Editor by Dalsan Editor
July 14, 2024
in Warar
Reading Time: 4 mins read
A A
Madaxweyihii hore ee Mareykanka oo ka badbaadey isku day dil iyio sida ay wax u gaareen
18
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa gelinki danbe ee shalay sheegay in uu dhaawac kasoo gaaray dhagta midig, kaddib marki uu qof hubeysani rasaas u soo furay dhankiisa, xilli uu khudbad ka jeedinayay isu soo bax dadweyne oo qeyb ka ahaa ololaihiisa doorashada, gudaha gobolka Pennsylvania.

Trump waxay rasaasta kaga dhacday qeybta sare ee dhagtiisa midig, waxaa la toogtay isaga oo hadal ka jeedinayay fagaare ay buuxeen taageerayaashiisa Jamhuuriga oo ku taalla degmada Butler oo 35 mile dhanka waqooyi uga beegan magaalada Pittsburgh ee gobolka Pennsylvania.

Laba xabbadood ayaa la maqlay, kaddibna waxaa xigay rasaas u muuqatay jawaab. Markiiba waxaa hadalkii joojiyay oo qoorta qabsaday kaddibna dhulka ku dhacay Donald Trump. Taasi ayaa goobta ka dhalisay argagax iyo qeylo dhaan ay sameeyeen dadki goobta joogay.

Ciidanka ilaa gaarka ah ee Secret service loo yaqaanno ayaa ku hagoogtay Trump, waxana la arkayay madaxweynihi hore oo wajiga ka dhiigaya isla markaana gacanta kor u taaqaya, isaga oo u muuqday inuu ku qeylinayay erayo aanan la maqli kareyn.

Bayaan ay markiiba soo saareen ciidanka goobta ilaalinayay ee loo yaqaanno ilaalada qarsoon ayay ku sheegeen in la dilay qofki weeraray madaxweyne Trump. Sidoo kale waxay sheegeen in qof ka mid ahaa dadki joogay isu soo baxa dadweyne uu isna dhintay, isla markaana laba kale ay dhaawac halis ah yihiin.

Dhacdadaan ayaa markiiba waxaa cambaareeyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, madaxweyne ku xigeenka marwo Kamala Harris iyo madaxweynihi hore ee Mareykanka Barack Obama.

Ciidanka ammaanka ayaa dhacadadani ku tilmaamay isku day dil, iyaga oo sheegay in ay baaritaan ku sameyn doonaan. Dhacadadani ayaa sidoo kale laga yaabaa in ay sii murjiso loolanka madaxtinimo Mareykanka ee awalba adkaa.

War qoraal ah oo uu soo saaray ololaha Trump ayaa lagu sheegay in musharraxa madaxweyne ee Xisbiga Jamhuuriga lagu daweeyay xarun caafimaad oo maxalli ah. Waxa uu u tagay magaalada Butler ee gobolka muhiimka u ah doorashada si uu isu soo bax ugu qabto.

“Madaxweyne Trump wuxuu uga mahad celinayaa booliska iyo gurmadka deg degga ah ficilka deg degga ah ee ay qaadeen intii uu socday falkan foosha xun,” ayuu afhayeenka Trump Steven Cheung ku yiri bayaan uu soo saaray.

“Wuu fiican yahay, waxaana lagu baarayaa xarun caafimaad oo deegaanka ah. Faahfaahin dheeraad ah ayaan bixin doonnaa.”

Madaxweyne Joe Biden ayaa yiri “qof walba waa inuu cambaareeyaa” weerarka. “Rabshadaha noocan ah meelna kuma lahan Ameerika,” “Waa wax xun. “Waa wax xun.”

Madaxweyne Biden oo ku sugnaa gobolka uu kasoo jeedo ee Delaware marki uu weerarka dhacayay ayaa soo gaabiyay joogitaankiisa halkaasi, kuna soo laabanaya magaalada Washington D.C.

Hay’adda dambi baarista gudaha Mareykanka ee FBI-da ayaa sheegtay in ay la wareegi doonaan hogaaminta baaritaanka isku daygii dil ee madaxweynihii hore Donald Trump.Xeer Ilaaliyaha Guud Mareykanka Merrick Garland ayaa isna sheegay in xafiiska xeer ilaaliyaha Mareykanka ee degmada Galbeedka Pennsylvania iyo waaxda amniga qaranka ee waaxda cadaaladda ay sidoo kale ku biirayaan baaritaanka.

Si kastaba ha ahaatee, sida uu sheegay olalaha Trump, xaaladda caafimaad ee madaxweynihi hore ayaa wanaagsan, waxaase ay dhacdadani imaneysaa xilli ay kala qeybsanaan siyaasadeed oo weyn ay ka jirto Mareykanka, iyo sidoo kale waqti uu meel xasaasi ah marayo ololaha doorashada madaxtinimada Mareykanka ee lagu wado in ay dhacdo 5-ta bisha November ee sannadkaan.

Doorashadaas ayaa waxaa ku loollami doona, madaxweynaha xiligan Joe Biden oo dimoqraadi ah iyo madaxweynihi ka horreeyay Donald Trump oo Jamhuuri ah

Previous Post

Shooting and Direct Fight in Somalia’s Central Prison Leaves Multiple Deaths

Next Post

Dowlada Soomaaliya oo jawaab kulul siisey Lataliyihii Amniga Qaranka ee Farmaajo.

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar
Warar

Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar

June 24, 2025
Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar
Warar

Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar

June 24, 2025
Iran oo Gantaallo Ku Weerartay Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Qatar
Caalamka

Iran oo Gantaallo Ku Weerartay Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Qatar

June 24, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ka Qeybgalay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ka Qeybgalay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

June 23, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

June 23, 2025
“Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban”
Warar

“Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban”

June 23, 2025
Next Post
Dowlada Soomaaliya oo jawaab kulul siisey Lataliyihii Amniga Qaranka ee Farmaajo.

Dowlada Soomaaliya oo jawaab kulul siisey Lataliyihii Amniga Qaranka ee Farmaajo.

Somalia Denounces Iran’s Missile Strike on U.S. Base in Qatar, Urges Restraint Amid Rising Gulf Tensions

Somalia Denounces Iran’s Missile Strike on U.S. Base in Qatar, Urges Restraint Amid Rising Gulf Tensions

by Gesey Liban
June 24, 2025
0

Mogadishu, Somalia – In a strong and swift response to rising tensions in the Gulf, the Federal Government of Somalia...

Former Somali Presidents Condemn Iranian Missile Strike on Qatar as “Unacceptable Aggression”

Former Somali Presidents Condemn Iranian Missile Strike on Qatar as “Unacceptable Aggression”

by Gesey Liban
June 24, 2025
0

Two former Somali presidents, Mohamed Abdullahi Farmaajo and Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, have strongly condemned Iran’s missile attack on the...

Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar

Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar

by Ilhaan
June 24, 2025
0

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii gantaallaha ahaa...

Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar

Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar

by Ilhaan
June 24, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkii gantaallaha ahaa ee ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ku qaaday...

Somalia Denounces Iran’s Missile Strike on U.S. Base in Qatar, Urges Restraint Amid Rising Gulf Tensions
English News

Somalia Denounces Iran’s Missile Strike on U.S. Base in Qatar, Urges Restraint Amid Rising Gulf Tensions

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Former Somali Presidents Condemn Iranian Missile Strike on Qatar as “Unacceptable Aggression”
English News

Former Somali Presidents Condemn Iranian Missile Strike on Qatar as “Unacceptable Aggression”

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar
Warar

Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar
Warar

Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Iran oo Gantaallo Ku Weerartay Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Qatar
Caalamka

Iran oo Gantaallo Ku Weerartay Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Qatar

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Breaking: Iran Launches Retaliatory Missile Strikes on U.S. Base in Qatar, Raising Gulf Tensions
English News

Breaking: Iran Launches Retaliatory Missile Strikes on U.S. Base in Qatar, Raising Gulf Tensions

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia Denounces Iran’s Missile Strike on U.S. Base in Qatar, Urges Restraint Amid Rising Gulf Tensions
  • Former Somali Presidents Condemn Iranian Missile Strike on Qatar as “Unacceptable Aggression”
  • Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar
  • Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00