Madaxweye u digay Donald Trump iyo mid cambaareeyey

Raul Castaro ayaa sheegay inay Kuuba rajeynayso in la sii wado caadiyeynta xiriirka ay la leeyihiin Marayukanka, balse uu Madaxweyne Trump si cad u sheegay inuusan aqoonsan doonin wax kasta oo wax u dhimayo madax-bannaanida dalka Maraykanka.

“Kuuba iyo Maraykanka way iskaashan karaan, kuna noolaan karaan dhinac ka dhinac qaab Ilbaxaximo, lana xushmeynayo Kala-duwaanshaha” ayuu yiri Raul Castaro.

Donald Trump inta uusan qabanin Xilka Madaxweynaha waxa uu ku cabsi geliyey Dowladda Kuuba  inuu qarxin doono heshiiska liita ee labada dal, haddii aan la gaarsin Heshiis Wanaagsan, inkastoo uusan faahfaahin ka bixinin.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Mexico, Enrique Pena Nieto ayaa cambaareeyey Qorshaha Donald Trump ee uu derbiga ku dhisi doono Xuduudka Labada Waddan.

Hoggaamiyayaal ka tirsan Dowladdaha Latin Ameriko ayaa cambaareeyey Qorshaha Madaxweynaha Maraykanka.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media