Madaxweynihii hore ee Barazil oo xabsiga laga siidaayay

Madaxwaynihii hore ee Brazil Luiz Inácio ayaa xabsiga laga sidaayay ka dib markii uu ku jiray in ka badan 18 bilood.

Hogaamiyaha garabka bidix ayaa waxaa salaamay kumanna qof oo ruxayay calanka Barazil kuwaasi oo isugu so baxay afaafka hore ee saldhiga booliiska magaalada Curitiba oo uu ku jiray.

Waxaa lagu hayay xabsi ku yaalla magalada Curitiba isaga loo haystay dacwado la xiriira musuqmaasuq.

Garsoore ayaa amray in la siidaayo ka dib markii maxkamadda ugu sareeysa dalkaasi ay go’aamisay in qofka dambi lagu helo xabsiga la dhigi karo oo kali ah marka go’aan laga gaaro racfaanka uu qaato.

Lula iyo kumannaan qof oo kale ayaa ka faaidaysanaya go’aankan maxkamada ugu sareysa dalkaasi Barazil.

Luiz Inácio Lula da Silva oo 74 jir ah ayaa madaxwayna ka ahaa dalkaasi sanadihii u dhaxeeyay 2003 ilaa 2010.

Siideyntiisa ayaa ah calaamad muujinaysa guul sida ay sheegeen dadka arrimahan faaqida .

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media