Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaaliya Mxaamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa umadda Soomaliyed ugu hambalyeeyay Bilashada bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Qoraal uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo ayaa u qornaa sida tan:
“Munaasibadda bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed, waxaan hambalyo qiimo badan u dirayaa dadkeenna Soomaaliyeed iyo dhammaan muslimiinta adduunka oo idil.
Bilashada bishan barakeysan ee Ramadaan waxa ay xambaarsan tahay khayr badan. Waa bishii kheyrka, waa bishii towbadda, cafiska, waa bisha uu ku jiray habeenka kheyrka badan ee Leylatul Qadriga. Waa bisha sheydaanka la xiro oo Alle uu naarta ka xoreeyo muslimiin badan oo uu waafajiyey khayrka bishan.
Si aan uga faa’iideysanno Bishan barakaysan waa in aan ugu horreyn isu-qalbi xaarnaano oo aan iscafino, qofkastana uu walaalkiis kale la jeclaadaa wanaag iyo horumar.
Bisha Ramadaan ee sanadkan waxa ay inoo timid iyada oo wali uu dalkeennu la daalaa dhacayo saameynta caafimaad iyo dhaqaale ee cudurka safmarka ah ee Karonaha oo ah mid aan la dhayalsan karin, maadaama tirada dhimashada iyo bukaannada uu soo ritay cudurkan ay aad u korortay, sidaas awgeed waa in aynu u istaagnaa la shaqeynta laamaha caafimaadka, si buuxdana ugu hoggaansanaa talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabka bulshadeenna.
Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed in aynu garab istaagno qoysaska iyo dadkeenna danyarta ah, innaga oo xoojinayna dadaallada afursiinta iyo taakuleynta dhaqaale ee bishaan oo kale sanad kasta ay hor Ilaahay u abaabulaan dhallinyarada iyo culimada Soomaaliyeed.
Ugu danbeyntii, waxaan ku boorrinayaa shacabka Soomaaliyeed ka shaqeynta danta guud oo amnigu uu ugu horreeyo, kuwaas oo dhammaantood tiirar u ah waajibaadka diinteenna suuban ee Islaamka.
Alle ha inaga aqbalo cibaadada iyo camalka suuban, hana inoo siyaadiyo nimcooyinka uu ku manneystay dalkeenna iyo dadkeenna oo islaamnimada, nabadda, barwaaqada iyo dowladnimadu ay ugu horreyso”.
Ramadaan Karim