Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, Qoor-Qoor ayaa casuumad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen). Safarkan ayaa la xiriira xoojinta iskaashiga u dhexeeya dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed. Inta uu socdaalkan socdo, labada madaxweyne ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan arrimo muhiim ah oo ku saabsan amniga, horumarinta adeegyada bulshada, iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada maamul.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaa sidii loo dardargelin lahaa mashaariicda horumarineed ee ka socda gobollada iyo iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada. Madaxweynaha Galmudug ayaa la filayaa in uu kulamo gaar ah la yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada Baydhabo, si uu u dhageysto aragtiyada iyo talooyinka bulshada. Socdaalkan ayaa ah mid muujinaya sida ay muhiim u tahay wada shaqeynta iyo xiriirka dhow ee dowlad-goboleedyada Soomaaliya, gaar ahaan xilligan ay dalalku wajahaan caqabado amni iyo horumarineed.