Madaxtooyada Somalia oo War kasoo saartay Wareysi uu bixiyay Danjire Guulwade

Kadib saacadhihii lasoo dhaafay baraha Bulshada lagu faah faahiyay Wareysi uu bixiyay  Danjire Guulwade oo kamid ahaa xubnaha Guddiga Wadahadallada dowladda Federaalka iyo Somaliland, kaasi oo uu uga hadlay Arrimo ku aadan Somaliland.

Danjire Guulwade ayaa waxaa uu sheegay inuu sax ahaa duulaankii dowladdii Kacaankii aheyd ku qaaday Gobolada Waqooyi ee hadda la baxay Somaliland.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Danjire Guulwade laga aqbalay Is-Casilaadiisa Xubinnimada Guddiga Wadahadallada DFS iyo Somaliland, isla markaana Madaxtooyadda ay ka xun tahay Wareysiga uu bixyay Dajiraha.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay caddeynaysaa in Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu iska casilay xubinnimadii Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.

Hadalka uu warbaahinta siiyay Danjire Guulwade waa mid kafog waaqaca aan maanta ku nool nahay, wuxuuna dhaawacayaa wadahadallada haatan loo gogol xaarayo in la isugu soo dhaweeyo dadka Soomaaliyeed ee kala irdhoobay, dibna loogu yagleelayo dowladnimo Soomaaliyeed oo loo dhanyahay.

Shacabka Somaliland waxay dhiig iyo dhaqaale ku bixiyeen sidii dalkan looga xoreyn lahaa gumeystihii kusoo duulay, iyagaana hormuud u ahaa midnimadii labada gobol. Midnimadaas kuma iman khasab iyo gacan ka hadal ee waxay ku timid wada hadal, is qancin, is-qaadasho iyo isu tanaasul.

Waxaan aad uga xunnahay hadalka danjiraha, annaga oo adkeynayna inuu yahay mid isaga u gaar ah oo aan ka turjumeynin mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kan Guddiga uu ka tirsanaa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media