Madaxtooyada oo soo Bandhigtay Ajendaha kulanka Madaxweyne Farmaajo, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa kulan xasaasi ah lagu wadaa inay ku yeeshaan Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulanka oo ah mid horey loo sii shaaciyay inuu Maanta oo Arbaco ah uu dhacayo ayaa waxaa looga hadli doonaan arrimo kala duwan oo ku saabsan siyaasadda dalka Soomaaliya.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Goordhow war kasoo saartay kulanka u dhexeeya Madaxweyneyaashii hore ee dalka iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

War qoraal ah bartiisa Facebook kusoo qoray Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa waxaa uu ku shaaciyay in Ajendaha ugu muhiimsan kulanka Maanta uu yahay Arrimaha Doorashada la filayo in Sanadka 2020-ka dalka ka dhacdo.

Sidoo kale Agaasime Cabdinuur ayaa sheegay in Madaxweyneyaashii hore ee dalka uu Madaxweyne Farmaajo uu kala hadli doono sidii ay Xukuumadda ugala shaqeyn lahaayeen in hannaan doorasho oo hufan oo qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo.

“Kulanka maanta ay yeelanayaan Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaashii hore Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Xasan Sheekh ajandihiisa ugu muhiimsan waa arrimaha doorashooyinka 2020 iyo sidii ay Xukuumadda ugala shaqeyn lahaayeen in hannaan doorasho oo hufan oo qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo, awooddana dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed si ay u doortaan madax iyo xildhibaanno iyaga si toos ah wakiil uga ah”a ayuu yiri Agaasime Cabdinuur.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media