Madaxtooyada oo markii ugu horreeysay ka hadashay dagaaladii Muqdisho

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa marki ugu horeeysay ka hadashay dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay dowladda iyo Mucaaradka ee ka dhashay muddo kordhintii labada sanno aheyd ee la sameeyay.

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo wareysi siiyay Telefashinka Dalsan ayaa waxaa u marka hore sheegay inay ka xun yihiin dhibaatooyinkii ka dhacay Muqdisho ee u dhexeeyay Ciidanka Dowladda iyo kuwa Mucaaradka.

Dowladda Federaalka ayuu Agaasime Cabdirashiid sheegay inay ka baaqsatay inuu dagaal dhaco, hayeeshee la isku soo hubeeyay, isla markaana qeybo kamid ah Caasimadda laga abuuray rabshado sabababy khasaaro kala duwan.

Waxaa uu sheegay Agaasimaha in dagaalkii u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Mucaaraadka ee kasoo horjeeday muddo kordhintii la sameeyay uu sabababy in Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir laga barakaco, taasina ay ka xun yihiin.

Sidoo kale Xaashi ayaa Carabka ku dhuftay in dowladda ay wado daraasad ay ku ogaaneyso tirada dadkii ku barakacay dagaaladii dhacay, isagoona daraasad hordhac ah ku tilmaamay mid ay QM kasoo saartay dadkii barakacay oo ku sheegtay inay dhexeyso tirada dadkii guryahooda ka barakacay 60,000 illa 100,000 oo qof .

Isaga oo sii hadlaayay ayaa waxaa uu tilmaamay in muhiim ay tahay in wax kasta oo khilaaf ah oo jira lagu dhameeyo wadahadal, isagoona xusay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu wadahadal xiisadii ka dhalatay muddo kordhinta kala yeeshay mucaaradka.

Ugu dambeyn Agaasime Xaashi ayaa beeniyey in Madaxweyne Farmaajo loo sameeyay muddo kordhin laba sanno ah, wuxuuna tilmaamay inay ka shaqeynayeen sidii ay u dhici laheyd Doorasho qof iyo Cod ah, isla markaana Mucaaradka looga baahnaa inay dulqaataan, iyadoona Madaxweynaha maamulka Doorashada ku wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor