HomeCaalamkaMadaxdii hore ee Dalka Iran oo ku baaqay in loo baahan yahay...

Madaxdii hore ee Dalka Iran oo ku baaqay in loo baahan yahay isbedel siyaasadeed

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Madaxweynihii hore ee dalka Iran Mohammad Khatami iyo ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaas Mir Hossein Mousavi ayaa ku baaqay in loo baahan yahay isbedel siyaasadeed oo ka dhaca dalka Iran, xilli ay dalkaas ka socdaan mudaharaado ka dhashay dhimashadii gabadhii yarayd ee lagu magcaabi jiray Mahsa Amini, taas oo ku dhimatay gacanta laamaha ammaanka ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee dalka Iran Mohammad Khatami iyo ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaas Mir Hossein Mousavi ayaa ku baaqay in loo baahan yahay isbedel siyaasadeed oo ka dhaca dalka Iran, xilli ay dalkaas ka socdaan mudaharaado ka dhashay dhimashadii gabadhii yarayd ee lagu magcaabi jiray Mahsa Amini, taas oo ku dhimatay gacanta laamaha ammaanka ee dalkaas.

Iyada oo ay soo dhowaatay sannadguuradii 44aad ee kacaanka Islaamiga ah ee Iran oo dalkaas ka curtay sannadkii 1979, ayaa Mir Hossein Mousavi oo ka mida mucaaradka ugu waaweyn ee dalkaas ka jira, ayaa ku dhiiraday inuu ku baaqo “isbedel aasaasi ah” oo lagu sameeyo nidaamka siyaasadeed ee dalkaas, isaga oo sheegay inuu waajahayo qalalaase sharci.

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee dalkaas Khatami ayaa isaguna hoggaamiya dhaqdhaqaaqa isbedel doonka ee dalkaas, wuxuuna bayaan uu soo saaray ku sheegay “in dhacdooyinka maanta muuqdaa inay yihiin kuwo si weyn looga niyadjabo”.

Khatami ayaa sheegay inuu rajaynayo in adeegsiga “hababka madaniga ah ee aan rabshadaha wadan” inay “ku qasbi karaan nidaamka dalkaas ka arimiya, inuu bedello habka uu wax u xukumo, isla markaana uu dib u habayn la yimaado”.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts