Madaxda Midowga Yurub oo u muuqda kuwa ku mideysan Ansixinta Codisga Ukraine

Hoggaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa Khamiista iyo Jimcaha yeelanaya shir-madaxeed weyn oo ajandihiisa ay ugu muhiimsan tahay – ansixinta ra’yiga Ukraine ee ah in ay ka mid noqoto ururkan, waxayna u muuqataa in codsigooda la aqbali doono, iyadoo kulankan kusoo beegmayo xilli ay sii kordheyso xiisadda u dhexeysa Yurub iyo Moscow oo uu weli socdo dagaalka Ukraine.

Saacado kahor shirka Midowga Yurub, Faransiiska – oo hadda haya guddoonka Golaha Midowga Yurub – ayaa bixiyay qiimeyn kalsooni leh oo ku saabsan codsiga musharraxnimada Kyiv.

Wasiirka Yurub ee Faransiiska Clement Beaune ayaa sheegay in “guud ahaan la isku raacsan yahay” taageerada codsiga Ukraine, kadib wadahadal dhex maray wakiillada waddamada Midowga Yurub.

“Waxay ku xiran tahay in hoggaamiyayaasha Midowga Yurub ay si rasmi ah ugu codeeyaan musharaxnimada Ukaraine Khamiista, taas oo ay barbar socoto codsiga Moldova iyo Georgia” ayuu yiri Beaune.

Kyiv ayaa aad ugu dadaalaysay sidii ay ugu biiri lahayd ka kooban 27-ka xubnood sida ugu dhaqsaha badan, iyadoo qaar ka mid ah wadamada EU-da sida Portugal iyo Danmark ay mar sii horreysay muujiyay inay taageeraan. Laakiin Toddobaadki hore, madaxa Midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa iyana muujisay taageero xooggan.

Laakiin waxa ay u muuqataa in aanay suurtogal ahayn in hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ay ku heshiiyaan baaqa Ukraine ee ah in si degdeg ah loo hirgeliyo codsigeeda, waxaana ku biirista Midowga Yurub qaadan kartaa sanado, ama tobannaan sano.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor