Madaxda dowlad Goboleedyada oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa saacadihii lasoo dhaafay kulamo gaar gaar ah la qaatay xubnaha Midowga Musharaxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka.
Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyagoona ka wada hadlay sidii xal looga gaari lahaa muranka u dhaxeeya ee labada garab ee Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi (Somaliland).
Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa kulan gaar ah oo looga hadlaayay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka doorashada la yeeshay Ra’iisul Wasaarihii hore Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaiis Lafta-gareen ayaa isna xalay hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Musharax Cabdikariin Xuseen Guuleed, iyagoona ka wada hadlay xal ka gaarista khilaafka doorashada dhaceysa.
Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka ayaa kulamada ay la qaadanayaan xubnaha Midowga Musharaxiinta ah kuwo lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka doorashada iyo sidii ay ugu dhici laheyd doorasho loo dhan yahay.
Madaxda Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, iyagoona ka qeyb galaya Shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka dalka oo ka socda Caasimadda dalka.