HomeWararMadaxda Maamul-gobaleedyadda oo qorsheynaya inay hal go’aan ka qaataan go’aankii DFS ee...

Madaxda Maamul-gobaleedyadda oo qorsheynaya inay hal go’aan ka qaataan go’aankii DFS ee Khilaafka Khaliijka

Date:

Related stories

Somalia’s Elite Gorgor Unit Delivers Lifeline to Drought-Hit Families

The Gorgor Commandos of the Somali National Army have conducted a humanitarian operation in the Middle Shabelle region, delivering critical food aid to communities suffering from severe drought in an incredible show of solidarity.

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Khilaafka ragaadiyey qaar ka mid ah Maamul-gobaleedyadda ayaa waxa uu sara u qaaday Calawsanaanta Siyaasadeed ee ka dhashay go’aankii ay Dowladda Dhexe Federalka ka istaagtay Khilaafka u dhexeeya dalalka Khaliijka.

Khilaafkaasi ayaana u muuqda mid dalkeenna Somalia ka dhigay qeyb ka mid ah dalalka uu loolanka ka dhexeeyo.

Madaxda Maamul-gobaleedyada ayaa rumeysan yihiin inay DFS taageertay Dowladda Qatar oo ay Isbahaysiga Sacuudiga xayiraadda saareen.

Madaxweynayaasha Maamul-gobaleedyadda Puntland, Galmudug iyo K/Galbeed ayaa sheegay inaysan DFS ku raacsanayn Go’aanka Dhexdhexaadka, waxayna Isbahaysi la noqdeen Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Saddexda Madaxweyne waxay socdaal dhaqaale-doon ku tageen dalka Imaaraadka Carabta, iyagoo Madaxda dalkaasi u muujiyey inay taageersan yihiin Isbahsyaigood, kana soo horjeedaan dalka Qatar.

Wada-xaajoodkaasi ayaa la sheegay inay Madaxweynayaasha Gaas, Xaaf, Shariif Xasan ku soo heleen Abaalmarin Lacageed oo aan cadadeeda  la sheegin, balse laga dareemi karo sida ay Madaxdaasi ugu dhegan yihiin Mowqifka ay ku taageereen Isbahaysiga Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Xeeldheerayaasha ayaa u arka Mowqifka Madaxda Maamul-gobaleedyadda inay tahay mid saamayn ku yeelan karta Nidaamka Federalka iyo Awoodda Dowladda Dhexe ee Federalka.

Khilaaf xooggan ayaana weli ka taagan Maamul-gobaleedyadda Galmudug iyo K/Galbeed, waxaana uu Loolan Awoodeed iyo mid Maamul ka dhex bilowday Maamulka Galmudug.

Dhawaaqa ka soo yeerayo caasimadda KMG Galmudug ee Cadaado ayaana muujinaya inay Madaxdii Galmudug u kala jabeen 2 qeyb, kuwaasi oo ku hawlan Go’aano Xil-qaadis ah, waxaana ka sii darayso xaalladda marba marka ka dambeysa, mana muuqdaan ifafaalo ay Madaxdaasi ku gaari karaan Isku-tanaasul iyo Xeer Jajab.

Madaxweynaha Maamulka Jubbbaland, Axmed Madoobe oo Maamulkiisa weli ka badqaba Duufaanta Kacdoonka Khaliijka ayaa ugu baaqay Madaxda Maamul-gobaleedyadda Kulan Wada-tashi oo uu gogosheeda dhigay magaalladda Kismaayo.

Kulankaasi ayaa waxaa oggolaaday inay ka soo qeyb galaan Madaxweynayaasha Galmudug iyo K/Galbeed ee uu Kacdoonku ku socdo iyo Madaxweynaha Puntland, waxaana la filayaai nuu Kulankaasi ka furmo Kismaayo maalinta Arbacada ee soo socota.

Madaxda Maamul-gobaleedyada ayaa la filayaa inay Mowqif Mideysan ka qaataan DFS, isla matkaana ay bilaabaan Olole ka dhan ah Awoodda Dowladda Federalka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay Dowladaha IGAD ku cadaadinayaan inuu joojiyo Kulankaasi, si ay IGAD galaangal ugu yeelato Dhexdhexaadinta DFS iyo Maamulladda Goballada qeybta ka ah Dowladda Federalka.

Xeeldheerayaasha ayaa u arka Madaxda Maamul-gobaleedyada kuwo ay u muuqato Danaha Maamulkooda, balse aysan mudnaan u lahayn Go’aanadda Danaha Qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, Shirka Kismaayo ayaa laga filan karaa Isbahaysi weyn oo mucaarad ku ah DFS, isla markaana ay si mideysan ugu libin gaari karaan Danaha Taagan, gaar ahaan Khilaafka Khaliijka oo saamayn ku yeeshay Dowladda Somalia ee weli curdanka ah.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories