Madaxda ka qeyb galeysa Munaasabad lagu xusayo Markii la’aas-aasay Ciidanka xoogga dalka oo ka dhaceysa Muqdisho

Magalada Muqdisho iyo Gobolada dalka Soomaalliya waxaa Maanta lagu qabanaaya munaasabad lagu xusayo 44-guuradii ka soo wareegtay markii la\aas-aasay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Marka laga soot ago Gobolada dalka Munaasabad ay ka qeybgeli doonaan Masuuliyiinta ugu sareysa dalka ayaa la filaaya in Maanta lagu qabto Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Magalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan, ayaa Hambalyo ku aadan Xuska 12ka April oo ah maalintii la aas aasay Ciidanka Xoogga dalka u diray Taliskaasi, waxayna sanadkaan u dabaal degayaan sanad guuradii 58 aad.

Taliyaha, ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka ay yihiin Lafdhabarka Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, isaggoo xusay in shaqo adag Qaranka ay u hayaan.

“Munaasabadda 12 ka April oo ku beegan Maalintii la aas aasay Ciidanka Xoogga dalka owgeed waxaa rabaa in Hambalyo aan Iraahdo dhammaan Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil Xiggeenada, Alifleyda, Dableyda Ciidanka Xoogga iyo Xaasaskooda, Ciidanka Xoogga dalka waxaa laf dhabar Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale ugu hambalyeynayaa guulaha ay kasoo hoyeen Dagaalka dalka looga xoreynayo Argagixisada Arxanka darran” ayuu yiri S/guud Bashiir Maxamed Jaamac”

12-ka April sanadkii 1960 ayey ahayd markii la aas aasay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ka soo wareegtay 58 sano.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa lagu Aasaasay ciidan ka kooban 8 horrimood, waxaa lagu magcaabi jiray xiligaasi magaca Cali Boobaaye, ciidankaasi ayaa tiradiisu ahayd 2000 oo Askari, waxaa laga kala qoray 6 gobol oo ka tirsan gobollada koonfureed ee Gumeystihii Talyaaniga gumeysanjiray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media