Madasha Samata-Bixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah madaxdii hore ee dalka ayaa si rasmi ah u shaacisay inaysan ka qeyb geli doonin shirka uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iclaamiyay in la isugu yimaado 15-ka bishan Juun.
Bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay Madasha ayaa lagu caddeeyay in inkastoo ay 1-da Juun si niyadsami leh u soo dhoweeyeen gogosha Madaxweynaha, haddana uu fashilmay rajadii laga qabay qabsoomidda shir loo dhan yahay, maadaama aan si qeexan loo caddeyn ajandaha rasmiga ah, aan la cayimin cidda saxda ah ee ka qeybgelaysa, islamarkaana uusan jirin hannaan wada-tashi qaran oo hufan.
“Gogosha uu Madaxweynaha soo jeediyay waxay abuurtay walaac, kalsooni darro iyo kala fogaansho siyaasadeed, taasoo dhaawacaysa dadaalladii lagu xoojinayay midnimada siyaasadeed iyo in xal waara laga gaaro khilaafaadka jira,”ayaa lagu yiri bayaanka.
Madasha Samata-Bixinta waxay hoosta ka xariiqday in shir kasta oo qaran lagu magacaabo uu u baahan yahay hannaan loo dhan yahay oo ku saleysan wada-tashi dhab ah, si loo helo natiijo lagu kalsoonaan karo, oo ay ka tarjumeyso danaha dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Si kastaba ha ahaatee, Madasha waxay mar kale muujisay diyaar garowgeeda ku aaddan ka qeyb qaadashada gogol siyaasadeed oo dhab ah, oo wax looga qabanayo kala aragti duwanaanta taagan, isla markaana looga hortagayo khataraha amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka horyaalla.