Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa soo gaaray Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Hishabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, kuwaasi oo kasoo ambabaxay Magaalada Baydhabo.
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen waxaa kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xildhibaano, Wasiiro iyo dadweyne badan.
Intaas kadib Maadxweyneyaasha maamulada ayaa siweyn uga mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde, waxaana loo galbiyay Hotelo loo diyaariyay inay degaan iyaga iyo wafuuda kala duwan ee la socota.
Madaxda ayaa Magaalada Muqdisho uga qeyb galaya Shir wadajir ah oo ay yeelan doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada, kaasi oo furmi doono maalinta berri.
Shirkaas ayaa waxaa uu yahay mid lagu dhammeystirayo hanaanka doorashooyinka la filayo in dalka ay ka dhacaan dhammaandka sanadkaan 2020/2021, isla markaana shirkaas saldhig u yahay heshiiskii Dhuusamareeb-3.
Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, iyagoona kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne Farmaajo, Mas’uuliyiin isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano, siyaasiin iyo xubno kale.
Madaxweyneyaasha Hishabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa Maanta shir gaarka ah ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, iyagoona uga hadlay Arrimo kala duwan oo gaar u ahaa.