Madaxa hey’adda qaxootiga ee UNHCR Filippo Grandi ayaa sheegay in waajib ay tahay in qaxootiga lagu helinayo Soomaaliya loo celiyaa si sharaf leh oo ay bini’aadanimo ku dheehan tahay.
Filippo Grandi ayaa sheegay in xeritaanka ay Kenya xireyso Dhadhaab aysan micnaheedu ahayn in qaxootiga awood loogu celiyo dalka Soomaaliya oo weli xasiloneyn.
Kenya ayaa dhawaan ku hanjabtay iney dib Soomaaliya ugu soo celin doonto 350,000 oo qaxooti Soomaali ah marka la gaaro bisha November oo la xiri doono xerada caalamka ugu balaaran ee Dhadhaab.
Filippo Grandi ayaa muddo 5 cisho booqasho ku joogay dalalka Soomaaliya iyo Kenya isaga oo madaxda labada wadan kala hadlay dhibaatooyinka qaxootiga.