Madaxa NATO oo Hub ku taageeraya Dalka Ukraine

Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in saadka hubka, gaar ahaan rasaasta ay ciidamada Ukraine u isticmaalayaan dagaalka Ruushku, inuu gabaabsi yahay, isla markaana ay tahay in dalalka Isbahaysigu inay kor u qaadaan wax soo saarka, si loo daboolo baahida Ukraine.

Xoghayaha NATO ayaa intaas ku daray in Ruushku uu haatan bilaabay weeraro cusub oo uu ku qaaday dhinaca bari ee dalka Ukraine, xilli lagu sii dhowaanayo sannadguuradii koowaad, ee ka soo wareegtay markii ciidamada Ruushku ay bilaabeen dagaalka Ukraine, xilligaas oo ku beegnayd, bishii February 24-keedii, ee sannadkii hore.

Stoltenberg ayaa u sheegay weriyayaasha, inay cadday in dhinaca saadka ay caqabadi ka taagan tahay, gaar ahaan, rasaasta, shidaalka iyo qaybaha kale ee qalabka dagaalka, isagoo sheegay inay tahay in saadka milateri uu gaadho Ukraine, ka hor inta aanay Ruushku la wareegin goobaha dagaalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor