Madaxa Hawlgalka AMISOM oo Ciiddanka Ammaanka ee Somalia ku wareejiyey Qalab iyo sahay

Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ugu qaabbilsan Arrimaha dalka Somalia, Ambassador  Francisco Madeira waxa uu maanta Sahay iyo Qalabka lagu kaydiyo Cuntadda ku wareejiyey Wasiirka Difaaca ee DFS, Xasan Cali Maxamed “Amar dambe”.

 Ambassador  Francisco Madeira oo ka hadlay Munaasbadda uu qalabkaasi ku wareejinayey waxa uu tilmaamay in qalabkaasi loogu talagalay in lagu xadidio heer-kulka Cuntada ee xilliyadda ay Ciiddanka ku jiraan Hawlgalladda iyo dhufeysyadda.

Qalabka lagu wareejiyey Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Ciiddanka Boliska Somalia, Jeneral Bashiir Maxamed Cabdi ayaa waxay ku jireen 6 Kontaynar, iyadoo Ciiddanka Milliteriga loogu tala-galay 4 Kontaynar, halka Ciiddanka Boliska loo qoondeeyey  2 Kontaynar oo ay ku jiraan qalabka cuntada lagu kaydiyo.

 Wssiirka Difaaca waxa uu ka mahad celiyey Deeqda lagu wareejiyey, isagoo sheegya inay qalabkaasi wax weyn u tari doonto ciiddanka xilliyadda ay ku jiraan hawlgalka dagaalka.

Ma aha markii ugu horreysay ee ay Ciiddanka AMISOM qalab iyo sahay ku wareejiyaan dhigooda Somalia ee ay wada-shaqeynta ka dhexeyso.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media