Xilli maanta loo dabaal-degayo 44-guuradii ka soo wareegtay markii ay Reer Jabuuti ka xoroobeen Gumeysigii Faransiiska ayaa waxaa maanta si ballaaran looga dabaal-degayaa gudaha dalkaasi iyo dalal kale.
Boqorka dalka Sacuudiga, Boqor Salmaan Bin C/Casiis Ala-Sacuud  iyo Dhaxal-sugaha dalkaasi, Amiir Maxamed Bin Salmaan waxay Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo dhamaan Shacabka Reer Jabuuti ugu hambalyeeyeen Maalinta Xorriyadda dalka Jabuuti oo ku beegan maanta oo ay taariikhdu tahay 27-ka June.
 Dhinaca kale, Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani iyo Ku-xigeenkiisa, Cabdalla Bin Xamad Al-Thani waxay Dhambbaal Habalyo ah u direen Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle munaasbadda Maalinta Xorriyada ee dalkiisa Jabuuti.