Madasha Xisiyada iyo Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan u socda

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Madasha Xisbiyada ayaa haatan waxaa uu kulan uga socdaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ku-xigeenkiisa iyo Madaxweyneyaashii hore ee dalka Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.

Kulankaas ayaa la sheegay inuu yahay dalab ka yimid dhinaca Guddoomiye Maxamed Mursal iyo ku-xigeenkiisa C/weli Muudey, waxaana looga hadlayaa arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda Dalka.

Wararka ayaa intaas kusii daray in labada Guddoomiye ay hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh fariin uga sidaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi.

Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaranka iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa waxaa horey u dhexmaray kulamo kala duwan oo looga hadlay Arrimo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Doorashada.

Comments
Loading...