Madasha Xisbiyada oo War Culus kasoo saaray dhibaatooyinka Ciidanka Itoobiya ee Somalia

Madasha Xisbiyada Qaran, Xisbiga Wadajir, Isbabeysiga Xisbiyada Hiigsi iyo isbaheysiga isbeddel doonka 1-da luulyo ayaa si wadajir War uga saaray Xad-gudub Ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsaneyn AMISOM ka geystaan gudaha dalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Madasha Isbaheysiga ah ayaa waxaa marka hore lagu Cambaareeyay xad-gudubyo kala duwan oo Ciidanka Itoobiya ka geysteen Soomaaliya, waxaana Ciidanka Itoobiya lagu eedeeyay inay faragelin ku hayaan Arrimaha gudaha dalka

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka Itoobiya loo adeegsaday Doorashooyin ka dhacay qaar kamid Maamul Goboleedyada dalka, isla markaana shacabka Soomaaliyeed u geystaan dhibaatooyin kala duwan.

Waxaa kaloo qoraalka oo aad u dheeraad lagu xusay in Madasha ay aad uga xun yihiin diyaaradii dhawaan Ciidanka Itoobiya kusoo rideen agagaarka Garoonka diyaaradaha Degmada Bardaale ee Gobolka Baay, waxaana halkaas ku geeriyooday Lix ruux oo saarnaa.

Qoraalka xubnaha Isbaheysiga ah ayaa waxaa loo diray labada Aqal ee Baarlamaanka dalka, waxaana Baarlamaanka loogu baaqay inay baaritaano ku sameeyaan Ciidanka Itoobiya ka jooga Soomaaliya.

Ugu dambeyn Xubaha Isbageysiga ah ayaa Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Franseicso Madeira ku eedeeyay inuu ku fashilmay wax ka qabasha tacadiyada ay geystaan Ciidanka Itoobiya, iyadoo Midowga Afrika loogu baaqay inay dib u eegaan faragelinta ciidamada Itoobiya ee Arrimaha dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media