Rag hubeysan oo ilaa iyo hadda aan la garan waxa ay ahaayeen ayaa saakay arroortii xilligii Salaada Subax waxa ay Macalin Dugsi quraan ku dileyn qeybo ka mid ah degmada Wadajir.
Dadka deegaanka ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in raga hubeysnaa ay gurigiisa ay ugu galeen Macalinka dugsi,isla markaana ay ku dhex dileen.
Xaafada Dilka uu ka dhacay ayaa ahaa Isgoyska Kaawa-godeey qeybta degmada Wadajir,iyada oo dadkii ka dambeeyey dilkaas ay goobta ka baxsadeen.
Dadka ku nool Xaafada kaawa godeey ayaa aad uga naxay Macalinka Dugsi Quraan ee saakay lagu dilay xaafadaas oo ay aad u garanayeen.
Waa dilkii labaad ee saakay ka dhaca degmada Wadajir,iyada oo saakay degmadaas Xaafad ka mid ah lagu dilay Nin ka mid ahaa Ganacsatada Hilibka oo lagu Magacaabi jiray Muxudiin Cosoble.
Maamulka degmada Wadajir weli kama hadlin dilalkaas saakay ka dahcay degmadaas,waxana haatan socda howlgallo ay wadaan Ciidamada dowladda oo lagu abadi goobayo dadkii ka dambeeyey dilkaas.