Macalimiinta Masaarida oo la shaaciyay in laga daad-gureynayo Somalia

Macalimiin Masaari  oo ku Go’doonsan gudaha Soomaaliya ayaa la qorsheeynayaan in dib loogu celiyo dalkooda, sida ay shaacisay dowladda Masar oo wada qorshaha dib u celinta Macalimiintaas.

Wargeyska Caanka ee Almasri Al-yoom ayaa qoray in Wasiirka Waxbarashada Masar Dr. Daariq Showqi uu wado qorshihii ugu dambeeyay ee Macalimiinta Masaarida ah dib loogu celi lahaa dalkaas, waxaana safar ay ku bixi lahaayeen sameeyay xayiraada dulimaad ee ka dhalatay  Cudurka halista ah ee Coronavirus oo aduunka sameeyay.

Wasiirka ayaa sheegay in haatan gudaha Somalia ay ku Go’doosan yihiin 94 Macallimiin oo ku kala sugan deegaano ka tirsan dowlad Goboleedyada dalka, isla markaana ay doonayaan in dib loogu celiyo Masar.

Sidoo kale Dr. Daariq Showqi ayaa waxaa uu tilmaamay in qorshada dib u celinta Macalimiinta uu kala hadlay Wasiiru-dowlaha socdaalka iyo Arrimaha Qurbo-joogta Masaarida, Ambasasdor Nabiilat Akram Cabdul-shahiid, iyagoo isla gartay arrintaas.

Waxaa kaloo Wasiir Dr. Daariq Showqi uu u sheegay Ambasasdor Nabiilat in duulimaad toos ah oo ka shaqeeya Masar iyo Soomaaliya in uusan jirin, hayeeshee ay wada-hadal ku jiraan Shirkado diyaaradeed oo ay doonayaan in duulimaad Khaas ah u sameeyso, si loo soo daad-gureyo Macalimiinta.

Si kastaba Macalimiinta Masaarida ah ee ku sugan Soomaaliya ayaa waxaa ay dalka ku joogaa heshiiska Iskaashiga Tacliinta oo horey u kala saxiixdeen Dowladaha Somalia iyo Masar, waxaana Macalimiinta inta badan ay ka howlgalaan Somaliland iyo Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media