Maamulka Soomaaliland oo ka hadlay Booqashada Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya uu ku tegay G/Sanaag

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa booqasho ku tegay deegaano ka mid ah gobolada  Sool iyo Sanaag, oo qaarkood uu maamulo Maamulka Khaatuma State oo heshiis horay u dhexmaray Maamulka Soomaaliland balse Wasiirku uu deegaan ahaan uu ka  soo jeedo.

Xalay ayuu wasiirku ku hoyday Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag,waxaana Maanta markii ugu horeysay ka hadlay Maamulka Soomaaliland oo aaminsan in ay ka Go’een Soomaaliya inteeda kale.

Wasiirka Gaashaandhigga Maamulka Soomaaliland Ciise Axmed Xasan ayaa sheegay in talaabadaas aysan aheyn wax weyn isla markaana iyagu ay ilaalinayaan xasiloonida halka xaduudahooda ay yihiin kuwo iska furan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu aaday Magaalo yar oo lagu Magacaabo Carmo isla markaana dhawaan uu ku laaban doono halkii uu ka yimid.

Wasiir Jamaal  ayaa Warbaahinta u sheegay in safarkooda ay ka bilaabeen Sool, iyagoo soo dhaweyn wanaagsan kala kulmay shacabka sidoo kalena soo dhageystay Warbixino ku saabsan dhinaca waxbarashada, Caafimaadka iyo Amniga, iyadoo ka dibna u sii gudbeen Gobalka Sanaag. Dibna ugu soo laban doonaan Muqdisho.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media