Maamulka Puntland ayaa shaaciyay in haatan ay gacanta ku haayan shan ruux oo looga shakiyay inay qabaan Cudurka halista ah ee Coronavirus, waxaana kamid ah dadkaas qof Soomaali ah.
Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa waxaa uu sheegay inay gacanta ku dhigeen 5 Ruux oo 4 kamid ah ay yihiin Ajaanib u dhashay dal kale, halka kan kalena uu yahay Ruux Soomaali ah, kuwaasi oo la geeyay Xarun gooni ah oo loogu talagalay in dadka lagu karantiilo.
Waxaa uu sheegay Wasiir ku-xigeenka in dadkaas ay baaritaano ku socdaan uuna baaritaankaas qaadan karo muddo saddex maalmood, isla markaana xaaladooda Caafimaad dadkaas ay wanaagsan tahay.
Isaga oo sii hadlaayay Cabdinaasir Yuusuf Xaaji ayaa waxaa uu tilmaamay in dadka qaarkood laga helay Aslaamaha lagu garto Cudurka COVID-19, ayna ku socdaan baaritaano kala duwan, Jawaabta kasoo baxdana ay soo bandhigi doonaan.
Dhinaca kale Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Puntland ayaa beenisay warar la sheegayay oo ku aadan in deegaanada maamulkaas laga helay qof qaba Cudurka Coronavirus.
Puntland ayaa wada dadaalo dhowr ah oo ay uga hortageyso faafida Cudurka COVID-19 ah, waxaana gebi ahaan la xiray Goobaha Waxbarashada sida Iskuulada iyo Jaamacadaha, iyadooona mamnuucday in dadka isugu taagan hal goob.