Maamulka Puntland oo gacanta ku dhigay kalluumeysato Ajaanib ah

Ciidanka amniga xeebta Gobolka Gardafuu ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay gacanta ku dhigay doomo nooca kalluumeysiga oo xeebta Gobolkaas ka wada kalluumeysi sharci darro.

Ciidanka amniga ayaa qabtay saddex doomo oo ay saaran yihiin Marooto dheereeya, isla markaana ay la socdeen shaqaale Ajaanib ah oo u dhashay dalka Yemen, kuwaasi oo la sheegay inay si sharci darro uga kalluumeysanayeen Puntland.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in doomaha iyo shaqaalaha la qabtay loo gudbin doono dhinaca Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, si sharciga loo horgeeyo.

Ciidanka badda ee Maamulka Puntland PMF ayaa dhawaan sidaan oo kale xeebaha deegaano ka tirsan Maamulkaas ugu qabtay 10 doomo iyo shaqaalihii la socday oo u dhashay Yemen, isla markaana halkaas ka waday kallumeysi sharci darro ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor