Maamulka Puntland oo Arrin cusub ku Eedeyay Dowladda Federaalka

Maamulka Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay caqabad ku noqotay dhismaha wadada dheer ee xiriirisa Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal iyo Magaalada Boosaaso.

Guddoomiyaha Nugaal Cawil Axmed Jabuuti oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ay caqabad ku noqotay dhismaha oo ay diiday in Injineeradii dhisayay wadadaas ay dib ugu laaban Puntland.

Waxaa uu tilmaamay Guddoomiye Cawil Axmed in Injineeradii dhisayay wadada ay markii hore deegaanada Puntland uga tageen sababo la xiriira Cudurka halista ah ee COVID-19, ayna qorsheynayeen inay dib ugu laabtan halkaas, balse loo diiday.

“Waxaa xaqiiqo ah in dowladda federaalka caqabad ku noqotay dhismaha wadadan oo ay diiday in ay soo noqdaan injineeradii ka shaqeynayay, waxaana markhaati ah gaadiidka gadaasheena yaalla oo ahaa kuwii ay ku dhaqeynayeen howlwadeenadii shirkaddii Shiineyska ahayd ee qandaraaska dhismaha wadada heshay oo xiligii uu caalamka ka dhacay Coronavirus dib ugu noqday dalkoodii” ayuu yiri Guddoomiye Cawil Jabuuti.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa sheegay in go’aan lagu gaaray in dhismaha wadada xiriirisa Garoowe iy Magaalada Boosaaso lagu dhiso isku tashi, isla markaana ay qaban doonaan Shir lagu baaqayo Arrintaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor