Maamulka Mandheera oo walaac darran ka muujiyay xiisada Somalia iyo Kenya

Maamulka Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi barri ee dalka Kenya ayaa sheegay in ay wadnaha ku hayaan, kadib markii dhaq-dhaqaaqa Milateri ay xuduudka ka wadaan Kenya iyo Soomaaliya.

Waxay maamulku sheegeen in arintaasi ay walaac ku hayso oo hadii aan xal loo helin ay saamayn weyn ku yeelan doonto qeybaha kala duwan ee Bulshada kunool Gobolka Waqooyi barri.

Guddoomiye k- xigeenka Mandheera Maxamed Axmed Carraay oo u waramay BBC-da, wuxuu sheegay in maalmahaanba ay jirtay cabsi la xiriirta khilaafka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

“Waxaad arkeysaa dadka Mandheera oo ku dhahaya xaaladda amniga maalmahaan wuu sii adkaaday, dhaq-dhaqaaq badanna waa la dareemaya, xitaa dadka Baledxaawo, iyagana way dareemayaan dhaqdhaqaas, marka cabsida labada dhinacba wey ka jirtaa,” ayuu yiri Maxamed Axmed.

Wuxuu sidoo kale sheegay in haddii ay xaaladda sii jirto uu barakac badan iman doono, balse waxa uu yiri “Alle ayaan ka baryeyna in ay arrinta ay halkaas gaarin oo Madaxweyne Farmaajo iyo Kenyatta isku noqdaan oo ay khilaafkan xal ka gaaran.

Xiisad u dhexeeysa labada dal ayaa ka taagan xuduudka, waxaana dowladda Soomaaliya ay Kenya ku eedeysay in abaabul Ciidan ay ka wado xuduudka gaar ahaan dhinaca Mandheera, iyadoo dowladda ay sheegtay in arrintaas ay tahay mid u muuqata daandaansi dagaal.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media