Maamulka Jubbaland oo ku baxay cabasho kasoo yeertay dadka degaan hoostega Kismaayo

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi kale oo uu hogaaminayo ayaa  gaaray deegaanka Fuuma ee dhanka Galbeed kaga beegan Xarunta KMG  Jubbaland ee Kismaayo.

Kulankan ayaa  waxaa Madaxweynaha kuwehliyay  qaar ka mid ah labada Gole ee Maamulka Jubbaland, Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqamagaalada iyo Masuuliyiin kale.

Ujeedka safarkan ayaa ahaa sidii wax looga qaban lahaa cabashooyinka ay soo gudbinayaan dadka degaanka ee ah in ay ku dhib qabaan dad ay ku sheegen in ay ku hawlan yihiin jarista dhirta oo keeni karta in uu dhulku nabaad guuro.

Mas’uuliyiinta Maamulka ee uu hoggaaminayey Maxamuud Sayyid iyo bulshada deegaanka ayaa isla qaatay in si wada jir ah looga soo horjeesto dadka degaanka nabaad guurka kawada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dadka degaanka kala hadlay in Maamulka lagala shaqeeyo ilaalinta degaanka iyo Amniga degaanka sinabad loogu wada nolaado.

Arrintaan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo dhawaan Maamulka Jubbaland uu soo saaray Go’aan lagu mamnuucay jarista dhirka iyo shixida dhuxusha, iyagoona Digniino adeg u diray dadka ku howlan arrimahaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor