Maamulka Hirshabeelle oo faah faahin ka bixiyay Howlgallada ka socda Gobolka Hiiraan

Maamulka Hirsahbeelle ayaa ka hadalay howlgalada ka dhanakla ah dagaalamaaysha Al-Shabaab ee saacadihii lasoo dhaafay ka socday degaannada maamulkaasi, waxaana Qoraal kasoo baxay HIrshabeelle lagu yiri “Dowlad Goboleedka Hirshabeelle waxa ay bogaadineysaa guulaha muhiim ka ah ee laga gaaray howlgalada baahsan ee ka socda deegaanada Hirshabeelle ee lagu ciribtirayo alshabaab”.

Saacadihii lasoo dhaafay Qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa suuragaliyay inay la wareegaan deegaano dhowr ah oo Al-shabaab ay hore u maamulayeen.

Waxaa Maamulka Hitshabeelle uu sheegay inay khasaaro badan ku gaasrsiiyeen AL-Shabaab dagaaladaii dhawaan ka dhacay degaanada Yasooman, Nuur fanax, Buuraha qayaayaale, Garasyaani, Aboorey, Tardo, Sagal geed, Geedsamo, Inameey iyo Booco oo maanta laga saaray.

Sidoo kale Qoraalka kasoo baxay MaamulGoboleedka HIrshabeelle ayaa lagu yiri “Hirshabeelle waxaa ka go’an xureynta deegaanada ku jira gacanta Alshabaab, iyadoo kaashaaneyso Ciidamada Qalabka Sida iyo Dadka deegaanka waxa ayna ugu baaqeysaa qeybaha kala duwan ee bulshada inay u istaagaan ka qeybgalka howlagalada ka dhanka ah alshabaab”

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor