Maamulka Hirshabeelle oo digniin u diray Hay’adaha Samafalka ee ka howlgala deegaanadooda

War ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Hirshabeelle ayaa loogu baaqday Hay’adaha kala duwan ee ka howgala deegaanada Hirshabeelle in ay iska diiwaan geliyaan.

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Hirshabeelle oo la hadlay Warbaahinta ayaa ku amray Ha’adaha in ay ku soo wargeliyaan Wasaradda xiliyada ay qaadanayaan Shaqalaha si loo hubiyo in si cadaalad loo qaatay shaaqalaha soo codsaday shaqada.

‘” Hay’adaha ka howlagala Maamul Gobolleedka Hirshabeelle marka hore aadbaan u ammaaneynaa howlaha ay hayaan iyo baahiyaha kala duwan ay ummadda ka daboolayaan,laakiin waxaan rabaan inaan ugu baaqno maadama ay hoostagaan Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Maamul Gobolleedka Hirshabeelle,si looga hortago far isku fiiqida iyo reer hebel,waxay Wasaaradda go’aansatay in gacanta lagu dhigo Hay’adihii,waxay qaadayaan lala ogaado,lana ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha,” ayuu yiri Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Maamul Gobolleedka Hirshabeelle Axmed C/llaahi Bashiir.

Baaqaan ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha Hirshabeelle ayaa ku soo aadaya xilli shalay Wasaaradda dib ugu fasaxday Hay’adda International Medical Corpse (IMC) oo ah Hay’ad Caafimaad oo ka howlgasha Gobolka Shabeellaha dhexe gaar ahaan magaalada Jowhar.

Wuxuu Wasiirka shaqada iyo Shaqaalaha Hirshabeelle uu sheegay in baaritaan dheer ay sameeyeen ka dib Hay’addaasi loo fasaxay iney shaqaalo qaadan karto markii horana looga joojiyay tabasho badan oo ka timid shacabka Hirshabeelle gaar ahaan kuwa ku dhaqan Shacabka magaalada Jowhar.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor