Maamulka Gobolka Sh/Hoose oo ka hadlay Dilka Wariye Cabdiweli Online

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa ka tacsiyadeeyay dilka Allaha u naxariistee Wariye C/wali Cali Online oo kooxo hubeysan ay ku dileen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Gudoomiye Najah ayaa naxariista jano u rajeeyay marxuumka, isagoo ehelada, iyo bahda saxaafada uga tacsiyadeeyay dilka wariye C/wali Online oo ahaa wakiil wareedka Universal TV ee Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa hay’adaha amaanka ee degmada Afgooye faray in baaritaan ku aadan dadka dilka geystay ay sameeyaan, isagoo sidoo kale ku baaqay in gacanta lagu soo dhigo kooxaha dilka geystay.

Ilaa iyo hada lama oga sababta loo dilay Wariye Cabdiweli Online, waana Wariyihii ugu horeeyay ee sanadkaan 2020 lagu dilo gudaha dalka Soomaaliya.

Comments
Loading...