Maamulka Gobolka Hiiraan oo Dalab la xiriira Ciidamo howlgal wada u diray Dowladda

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle Cali Jeeyte Cismaan ayaa Wasiirka Gashaandhiga Soomaaliya iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida warbixin ka siiyey howlgalada ka dhan ka ah Al-shabaab ee socda deegaano ka tirsan Gobolkaas.

Gudoomiyaha Gobalka ayaa koob fagaaro ah khudbad ugu jeediyey Ciidamada dib u xorenynta deeganada ee Gobalka Hiiraan, isagoo xusay in howlgalka inta uu socday Al-shabaab laga saaray deegaano dhowr ah oo Hiiraan ay kaga sugnaayeen.

Cali Jeyte ayaa ka codsaday wasiirka Diifac Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Saraakiisha Ciidamada xooga dalka soomaaliyeed inay mas’uuliyad iska saaran Sidii ciidankan looga dhameeystiri lahaa dhamaan Adeegyada muhiim ah looguna garab istaagi lahaa Difaaca iyo ladagaalanka Al-shabaab.

Taliyaha Ciidanka xooga dalka soomaaliyeed ayaa bogaadin iyo garab istaagid buuxdo u muujiyey ciidamada dib u xorenynta deeganada ee Gobalka Hiiraan, isagoo ui mahadceliyay Ciidanka howlgalka ka wada Gobolka.

Wasiirka Gashaandhiga soomaaliya mudane Abduukadir mohamed Nuur ayaa Xusay muhiimada aay leedahay la dagaalanka Al-shabaab iyo sidii looga xureeyn lahaa guud ahan dalka, wuxuuna xusay in Wasaarada difaaca dalka ineey qorsho iyo qalaba ku Taagerayaan Ciidamada Qalabka sida iyo Ciidamada dib u xorenynta deeganada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor