Maamulka Gobolka Banaadir oo balanqaad u sameeyey Isbitaalka Degmada Cadaado+ Sawiro

{Radio Dalsan Cadaado} 14-05-2015    Gudoomiye Ku xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir Ee Dhinaca Siyaasadda Maxamad Axmad Diiriye Ayaa Kormeeray Qaar Kamid Ah Goobaha Bulshada Loogu Adeego Ee Degmada Cadaado Sida Xarunta Maamulka Degmada.Cisbitalka Guud.Suuqa Ganacsiga.Iyo Garoonka Kubadda Cagta Ee Degmada Cadaado .

Gudoomiye Kuxigeenka Oo Kamid Ahaa Wafdiga Wasiirka Arimaha Gudaha Ee Kusugan Degmada Cadaado Waxaa Uu Booqday Cisbitalka Degmada Cadaado Waxana Uu Qeybaha Cisbitalka Ubooqday Mid Mid Sida Qeybaha Qaliinka Keydka Dawada Iyo Qeybaha Bukaanjiifka Waxaana Halkaas Uu Warbixin Kaga Dhageystay Agaasimaha Cisbitalka Guud Ee Cadaado Dr.Maxamad Cali Yuusuf.Oo Sharaxaad Kabixiyay Taariikhda Cisbitaalka Iyo Baahida Uu Hada Qabo Oo Uu Katilmaamay Nalka Qeybta Qaliinka Oo Ay U Adeegsadaan Nooc Aan Loogu Talagalin Iyo Bangiga Dhiiga Oo Isna Aan Qalabeysneyn Ama Ay Tayadiisu Liidato Waxana Uu Ka Codsaday Maamulka Gobolka Banaadir In Uu Ka Caawiyo Baahidaas

Maxamad Axmad Diiriye Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir Oo Isna Goobtaasi Kahadlay Ayaa Kacodsaday Jaaliyadda Degaankaasi Udhalatay Ee Qurbaha Kunool Iyo Hay Adaha Deeqaha Bixiya In Ay Taageeraan Cisbitalka Degmada Cadaado Iyo Goobaha Shacabka Loogu Adeego Waxana Uu Goobta Ka Balan Qaaday In Maamulka Gobolka Banaadir Uu Deg Deg Uga Jawaabidoono Waxkaqabashada Baahidii Maamulka Cisbitalku Uu Usoo Bandhigay Sida Nalalka Qeybta Saalada Iyo Bangiga Dhiiga

W/D: Abuukar Muxudiin Xashara

 

Daawo Sawiradda 

DSCI5865 DSCI5866 DSCI5870 DSCI5874 DSCI5876 DSCI5879 DSCI5880 DSCI5884 DSCI5888 DSCI5900 DSCI5904 DSCI5907 DSCI5910 DSCI5912 DSCI5915

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor