Maamulka Galmudug oo qarka u saaran inuu yeesho labo Madaxweyne iyo labo Guddoomiye baarlamaan

Waxaa saacadba saacada ka danbeysa cirka isku-sii shareeraya khilaafka u dhaxeeya Madaxda Sare ee Maamulka Galmudug.

Khilaafka Madaxda Galmudug ayaa saameyn waxa uu ku yeeshay xildhibaanada Maamulkaas kuwaas oo ku kala shiraya Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb oo ah Xarunta Maamulka Galkudug.

Khamiistii xildhibaano ka tirsan Galmudug oo ku shiray Dhuusamareeb ayaa waxa ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir,walow uu sheegay in aysan xilka ka qaadi karin.

Maanta oo Sabti ah ayaa waxaa dhinaca kale Dhuusamareeb ku shiray xildhibaanadii horay u sheegay inay xilkii ka qaadeen Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug,iyaga oo sheegay inay mooshin ka wadaan Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas Maxamed Xaashi Carabey.

Sidoo kale Magalada Cadaado.iyana waxaa kulan deg deg ah ku yeeshay tiro xildhibaano ah kuwaas oo kulankooda ku sheegay inay xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Dadka Siyaasada falanqeeya ayaa waxa ay qabaan in tani ay keeni karto in labada dhinac ay kala doortaan Laba Madaxeeyne iyo laba Guddoomiye baarlamaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media