Maamulka Galmudug oo ka hadlay weerar lagu dilay dad Shacab ah

Ku simaha madaxweynaha Galmudug ahna madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa si kulul uga hadlay dad shacab ah oo lagu laayay inta u dhexeeysa Balanbal iyo degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud

Cali Daahir Ciid Madaxweyne ku xigeenka Galmudug  ayaa Tacsi u diray dhamaan qaraabada iyo eheladii marxuumintii maanta ku dhintay weerarkii arxan darada ahaa ee ka dhacay Deeganka Xirsi lugey.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa Ciidamada amniga Galmudug amar ku siiyay in si dag dag ah aay howl galo u fuliyaan una soo qabtaan maleeshiyaadkii Dilalka Geystay.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo nabada iyo badbaada shacabka Galmudug isagoo sheegay in Tilaabo laga qaadi doono dadkii falkaas foosha xun geystay.

Weerarka lagu qaaday dadkii shacabka ahaa ee ku sugnaa deegaanka xirsi lugeey oo 7 KM u jira Balanbal ayaa la sheegay inuu ahaa mid la xiriiray aano qabiil, waxaana xusid mudan in marar badan Galmudug ay ka dhaceen weeraro la xiriiray aano beeleed.

Comments
Loading...