Maamulka Galmudug oo Amaro kusoo rogay Gaadiidleyda kala duwan

Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa soo saartay amaro Cusub oo ku socda gaadiidleyda kala duwan ee ka howlgasha deegaanada maamulkaas.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Galmudug Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud Dhiblaawe oo la hadlay warbaahinta ayaa ku amray dhammaan gaadiidleyda inay muddo Isbuuc ah iska diiwaan-geliyaan Xarumaha Wasaaradda.

Sidoo kale Wasiir Dhiblaawe ayaa sheegay in Wasaaradda Gaadiidka ay bilaabeyso bixinta sharciyada kala duwan ee gaadiidka, isla markaana laga doonayo gaadiidleyda inay qaatan, si loo ogaado gaadiidka ka shaqeya deegaanadooda.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Galmudug Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud Dhiblaawe ayaa sheegay inay wadaan dadaalo lagu tayeenayo adeegyada gaadiidka ka shaqeeya deegaanadooda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media