Maamulka Galmudug iyo Midowga Yurub oo ka wada hadlay bilaabida howlo cusub

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa xarunta Midowga Yurub ee magaalada Muqdisho kula kulmay masuliyiin sare oo ka tirsan Midowga Yurub oo boqasho ku yimid Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Agaasimaha Siyaasadda Dibadda ee Midowga Yurub Mudane Peter Wagner ayaa waxay ka wada hadleen sidii sare loogu qaadi lahaa mashaariicda Midowga Yurub ka fuliyo Galmudug, sida mashruucyada DEEGAN BILE, ILED iyo kuwa cusub oo la bilaabi doono dhawaan.

Kulankaan waxaa soo qabanqabiyay masuliyiin ka socotay hey’adda Socdaalka Addunka ee IOM oo ayadu shaqo muhiim ah ka haysa guud ahaan deegaanada Galmudug.

Dhanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa kulanka qayb ka galay Wasiirka Wasaarada  Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, Wasiir ku xigeenka Bay’ada iyo Isbadalka Cimilada, Masuliyiin kala matalaysay Wasaarada Haweenka iyo xuququl insaanka iyo Wasaarada Xanaanada Xolaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor