Maamulka Gaalkacyo oo deeq raashin ah u qeybiyay qoysas qaba baahiyo gaar ah

Deeqdaan oo loogu tala galay in ay afur ka dhigtaan ayaa waxaa maamulka Degmada Gaalkacyo ee Galmudug uu maanta gaarsiiyay ilaa 70 qoys oo ka mida dadka qaba baahiyaha gaarka ah kuwooda ugu liita ee ku nool magaalada gaalkacyo.

Deeqdaan oo lagu qeybiyay xarunta Maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ayaa intii ay socatay waxaa Warbaahinta uga warbixiyay deeqdaan iyo dadaalka maamulku sameeyay ee ku aadanaa soo xulista dadka qaba baahiyada gaarka ah kuwooda ugu daran ee ku nool magaalada Gaalkacyo duqa degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale oo sheegay in qoysaska maanta loo qeeybiyay loo arkay qiimeeyn ay sameeyeen howlwadeennada Maamulka Degmada Gaalkacyo oo kaashanaya Guddoomiyayaasha xaafadaha Gaalkacyo in ay yihiin dadka ugu liita kuwa qaba baahiyada gaarka ah

Qaar ka mid ah xubnihii deeqda ka faa’iideeystay ayaa dhankooda ka mahadceliyay, iyagoo xusay in ay baahi weyn u qabeen, kuwaas oo u duceeyay mas’uuliyinta Maamulka Degmada ee u istaagay garab istaagooda.

Dhinaca kala guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo ayaa xog wareysi caafimaad la yeeshay qaar ka mid ah walidiinta dhalay carruur qabay xanuunno kala duwan oo goobta ku sugnaa, isagoo ka balan qaaday in inta karaankood ah ay la qeybsan donaan sidii gar gaar caafimaad ay u hreli lahaayeen, uuna ka codsaday Wasaaradaha caafimaadka heer dowlad gobaleed iyo her federaal in laga caawiyo sidii ay u heli lahaayeen adeeg caafimaad oo dhameystiran.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor